Madax cusub oo loo magacaabey ciidamada AMISOM

Image

7 October, 2015 (VOA)- Guddoomiyaha Gudidga Midwoga Africa Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma, ayaa Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira oo u dhashay dalka Mozambique u magacowday inuu noqdo wakiilkeeda gaarka ah ee Soomaaliya iyo madaxa howlgalka AMISOM.

Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira, ayaa waxa uu beddeli doonaa Ambassador Maman Sambo Sidikou oo kasoo jeeda waddanka Niger.

Tan iyo sanaddii 2010, Ambassador Madeira waxa uu ahaa wakiilka gaarka ah ee ururka Midowga Africa ee isku xirka ka hortagga argagixisonimada iyo agaasimaha xarunta fadhigeedu yahay magaalada Algiers ee Xarunta Afrika ee Daraasaadka iyo Cilmi-Baarista Argagixisada (ACSRT).

Magacaabista madaxa cusub ee AMISOM ayaa imaneysa xilli ururka Midowga Afrika, sida uu sheegay, uu isku dayayo inuu dedejiyo isku dayada ay lagu xasilinayo Somalia.

Sababo la xiriira khibradda uu u lee yahay la dagaalanka argagixisada darteed, ayaa midowga Africa waxa uu rajeynayaa in Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira uu dhiiri gelin siiyo ololaha ka dhanka ah Al-Shabaab.

VOA

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM