Madax ka hadashay arrimaha Somalia

Image
Image
Image

Madaxweynaha Somalia, Xasan Shiekh Maxamuud, oo ka qeybgalayay shirka arrimaha amniga caalamka, ayaa maanta kulamo la qaatey madax iyo diblomaasiyiin kusugan dalka Jarmalka.

Madaxwaynuhu madaxda uu la kulmay waxaa ka mid ah; Jan Eliasson oo ah ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Wasiirka Arrimaha dibadda ee Boqortooyada Norway, Børge Brende, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain, Philip Hammond, Wasiirka Difaaca ee Jarmalka, Ursula von der Leyen, iyo mas’uuliyiin kale. 

Shirarka u dhaxeeyay dhinacyadaasi waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka ay la leeyihiin Somalia, xaaladda amni ee gobolka Geeska Afrika, arrimaha siyaasadda ee Somalia, taageerada, dib u dhiska iyo dib u soo kabashada dalka. 

Xasan Sheekh Madaxweynaha Somalia, ayaa hogaamiyaasha uu la kulmay uga mahad celiyay kaalinta wanaagsan ee ay ka qaadanayaan taageerada Somalia. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM