Madaxda dalalka AMISOM oo ku shiraya Jabuuti

Image

Madaxweynayaasha dalalka ciidamada nabad ilaalinta geeyay Soomaaliya ayaa manta la filayaa inay ku shiraan dalka Jabuuti.

Ujeedada waxa ay tahay sidii dib loogu eegi lahaa howlgalka iyo hagaajinta hanaankahowlgalka AMSIOM, la shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada amniga ee Soomaaliya. 

Kulanka maanta la filayo waxaa ka horeeyay mid ay yeesheen wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka ciidamada geeyay Soomaaliya oo uu shir gudoominayay madaxa amniga iyo nabadda ee Midowga Afrika, Smail Chergui. 

Kulamada waxaa sidoo kale ka qeybgalaya wakiilo ka socda Qaramada Midoobeey, midowga iyo hay’ado kale.

Madaxa isku xirka howlgalka AMISOM ee Somaaliya ayaa gudbiyay dalab uu ku sheegay in uu ku talinayo in la xoojiyo ciidamada amniga ee Soomaaliya, lana adkeeyo hormarada la garayo. 

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cumar Hadliye, ayaa waxa uu u mahadceliyay ciidamada AMISOM, wuxuuna baraarujiyay qorsheynta wada shaqeynta AMISOM iyo ciidamada amniga ee Soomaaliya. 

Madaxa nabadda iyo amniga ee AU, Smail Chergui waxa uu tilmaamay in howlgal adag oo ka dhan ah kooxda Alshaab si degdeg ah loo billaabo.

wuxuuna ku baaqay in dalalka ciidamada geeyay Soomaaliya ay la yimaadaan qorshayaal lagu xaqiijinayo dhaqaale wanaagsan in loo qoodeeyo howlgalada ciidan. 

Francisco Madeira, oo ah wakiilka AU ee howlgalka Somaliya ayaa shirarka AMISOM ee Jabuuti ku tilmaamay muhiimad lagu go’aaminayo wadashaqeyn wanaagsan, isku xirka howlaha AMISOM iyo kuwa la shaqeeya. 

Go’aankii ka soo baxay kullankii heerka wasiirada ahaa ayaa maanta loo gudbinayaa madaxweynayaasha dalalka ciidamada AMISOM ay ka socdaan ee manta ka dhacaya Jabuuti.

Xigasho: BBC

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM