Madaxda DF oo si kulul u cambaareeyey weerarkii Mandheera

Image

December 2, 2014 (GO)- Labada mas'uul ee ugu sarreeya Dowladda Federaalka Somalia ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii 36da qof lagu diley ee gelinkii hore ee maanta oo Talaado ah ka dhacay goob dhagaxa iyo jayga dhismaha loo adeegsado laga soo saaro oo ku taal duleedka magaalada Mandheera.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weerarkaas ku tilmaamay fal argagixiso oo liddi ku ah mabaadi'da saxan ee Islaamka iyo welibi bini aadamnimada.

Madaxweynuhu wuxuu tacsi u diray dowladda iyo shacabka Kenya isagoo sheegay in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ka xun yihiin falkaas murugadana la wadaagayaan walaalahooda Kenya.

Dhanka kale qoraal kasoo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa lagu cambaareeyey weerarkii saaka ka dhacay Mandheera isalamarkaana tacsi loogu diray ehelada dadkii weerarkaas lagu diley.

Qoraalka waxaa sidoo kale lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ka go'an tahay sidii ay Kenya gacan uga siin lahayd la dagaalanka argagixisada gaar ahaan kooxda Al-shabaab oo halis ku ah ammaanka labada dal.

Weerarka Mandheera ka dhacay oo ahaa kii labaad ee muddo toban maalmood gudahood ah Al-shabaab ka geysato gobolka Waqooyi Bari Kenya, waxaa lagu diley 36qof oo ka shaqeynayey goob dhagaxa laga jebiyo taasoo 15km Mandheera u jirta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM