​Madaxda Somalia iyo beesha caalamka oo weerarka Galkacyo ka hadashay

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in kooxaha argagixisada guuldarrooyin culus oo ku habsadey awgeed ay doonayaan inay gummaadka shacabka u adeegsadaan muujinta saameyntooda.

Madaxweynaha ayaa ka hadlayey weeraradii waxashnimada ee saaka argagixisada ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo, halkaas oo dad u badan shacab ay ku shahiideen.

“Dagaalka xaqa ah ee aan ku jirno ee hiilinta qiimaha nolosha dadka Soomaaliyeed wuu sii socon doonaa, waxaana idinku bishaareyneynaa in dhowaan la soo afjari doono, argagixisadana laga suulin doono geyiga Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika oo dhan,” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dadkii maanta shahiiday ay noloshooda qaaliga ah ku waayeen iyagoo dalkooda iyo shacabkooda u adeegaya, isagoo Allah uga baryey inuu naxaristii janno ka waraabiyo, qoysaskii, eheladii iyo shacabka ay ka geeriyoodeenna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale Ilaahay uga baryey dadkii ku dhaawacmey weerarkaasi waxashnimada ah inuu deg-deg caafimaad buuxa u siiyo.

Ugu dambeyn Madaxweynaha waxaa uu farey laamaha amniga ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada inay xoojiyaan dagaalka lagula jiro argagixisada oo haatan maraya weji gebagabo ah.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Barlamanka Federaalka ah ee Somalia Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa tacsi u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo cambaareeyay falkii argagixisada Al-Shabaab ay ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo.

War-saxaafadeedyo kala duwan oo kasoo baxay Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka ayaa lagu cambaareeyay arrintii maanta ka dhacday magaalada Galkacyo, waxaana tacsi loogu diray dhammaan eheliyadda dadkii ku waxyeelloobay.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay madaxda dowladda Puntland iyo Xukuumadda lamana oga sababta ay uga aaamuseen masiibadii ka dhacday xarunta gobolka Mudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM