Madaxda Somalia oo ka qayb gashay Janasada G. Dhagobadan

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

02 November, 2015(GO)-Madaxda ugu saraysa dowladda Federaalka Somalia, ayaa Salaadda Janaasada ku tukaday maydka ALLAHA u Naxariistee abaan duulihii hore ciidanka xoogga dalka Somalia, General Cabdikariin Yuusuf Aadan Dhagobadan oo shalay ku geeriyooday weerar ka dhacay Hotel Saxafi ee magalada Muqdishu.

Marxuumka ayaa maydkiisa loo qaaday gobolka Galgaduud gaar ahaan deegaanka Xeraale oo ah goobtii uu ku dhashay, waxaana lagu qaaday diyaarad khaas ah oo ka duushay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Salaadda Janaasada marxuunka, waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Somalia, wasiirro, xildhibaano, xeer ilaaliyaha qaranka, saraakiil ciidan iyo mas'uuliyiin kale, waxayna ka dhacday masaajidka Shuhadaa ee ku yaalla madaxtooyada Somalia.

Madaxda Somaliyeed ayaa u tacsiyeeyay qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuum Dhagobadan.

Dowlada Federaalka ayaan xilweyn iska saarin ilaalinta saraakiisha horey ula dagaalantey ururka Al-shabaab kuwasoo aan helin daryeel dhaqaale taasoo niyad jab ku rideysa howlwadeenada ka shaqeynaya la dagaalanka aragagixisada.

Generaalka ayaa ka mid ahaa 15 ruux oo mas'uuliyiin iyo shacab isugu jiray kuwaasi oo ku geeriyooday weerar kooxda Al-Shabaab ku soo gaaday Hotelka Saxafi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM

Xamse: Saaxiibkay Laftagareen ma uusan rabin in taariikhdiisu ku dhammaato sida hadda dhacday

Khilaafka ka taagan Koonfur Galbeed ayaa ah mid muujinaya cadaadiska ka jira nidaamka federaalka ee jilicsan.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:20PM