Madaxda Somalia oo ka qayb gashay Janasada G. Dhagobadan

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

02 November, 2015(GO)-Madaxda ugu saraysa dowladda Federaalka Somalia, ayaa Salaadda Janaasada ku tukaday maydka ALLAHA u Naxariistee abaan duulihii hore ciidanka xoogga dalka Somalia, General Cabdikariin Yuusuf Aadan Dhagobadan oo shalay ku geeriyooday weerar ka dhacay Hotel Saxafi ee magalada Muqdishu.

Marxuumka ayaa maydkiisa loo qaaday gobolka Galgaduud gaar ahaan deegaanka Xeraale oo ah goobtii uu ku dhashay, waxaana lagu qaaday diyaarad khaas ah oo ka duushay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Salaadda Janaasada marxuunka, waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Somalia, wasiirro, xildhibaano, xeer ilaaliyaha qaranka, saraakiil ciidan iyo mas'uuliyiin kale, waxayna ka dhacday masaajidka Shuhadaa ee ku yaalla madaxtooyada Somalia.

Madaxda Somaliyeed ayaa u tacsiyeeyay qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuum Dhagobadan.

Dowlada Federaalka ayaan xilweyn iska saarin ilaalinta saraakiisha horey ula dagaalantey ururka Al-shabaab kuwasoo aan helin daryeel dhaqaale taasoo niyad jab ku rideysa howlwadeenada ka shaqeynaya la dagaalanka aragagixisada.

Generaalka ayaa ka mid ahaa 15 ruux oo mas'uuliyiin iyo shacab isugu jiray kuwaasi oo ku geeriyooday weerar kooxda Al-Shabaab ku soo gaaday Hotelka Saxafi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM