Madaxda Somalida oo ku qulquleysa magaalada Kismayo

Image

KISMAYO Jan 10,2016 (GO)- Waxaa magaalada Kismayo gaarey qaar ka tirsan madaxda Somalida kuwasoo wararka aan heleyno sheegayaan in 24 saac ee socda kulamo ugu bilaami doonaan xarunta maamulka Jubaland.

Madaxweynaha dowlada Puntland, madaxweynaha mamaulka Galmudug, madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed iyo Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmaake ayaa maanta gaarey Kismayo.

Maalinta berri galinka hore ayaa waxaa laga sugayaa magaalada Kismayo madaxweynaha dowlada Federaalka Xasan Shiikh iyo gudoomiyaha Barlamanka Somalia Jawaari iyadoo wararka xusayaan in galabnimada shirka bilaami doono.

Dhinaca kale waxaan ka qayb galeyn kulankaan ergeyga cusub ee Qaramada midoobey iyadoo sidoo kale ay soo gaareen Kismayo wasiirka arrimaha dibada Ethiopia iyo madaxda ka socota midowga Yurub.

Kulankaan ayaa waxaa lagaga arinsanayaa in go'aan laga gaaro qaabka ay noqneyso doorashada la filayo in Somalia ka dhacdo sanadkaaan 2016 iyadoo uu jiro kala qaybsanaan nidaamka lagu soo xulan doono xildhibaanda barlamanka Federaalka.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in madaxda dowlada Federaalka, gudoomiyaha Barlamanka iyo labada maamul Koonfur Galbeed iyo Galmudug dabada ka riixayaaan in nidaamka 4.5 lagu soo doorto xildhibaanada Barlamanka Federaalka taasoo fursad u siineyneysa in dib loogu doorto xafiiskaan markale.

GAROWEONLINE ayaa idinla socodsiin doona shirka magaalada Kismayo uga socda madaxda Somalida.

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM