Xubnaha Somaliland kaga xirnaa Baran Sanaag oo la sii daayay

Image

19 Octobar, 2015(GO)-Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland ee gobolka Sanaag Axmed Cali Biixi , iyo guddoomiyaha hay'adda Samofalka Taakulo, Cumar Jaamac Faarax, oo xorriyadoodi dib u helay.

Labada mas'uul oo ka tirsan Somaliland, oo shalay lagu qabsaday degmada Badhan, ayaa goor dhoweyd oo ay la soo xidhiidheen BBC waxay u cadeeyeen in xorriyadoodii loo celiyay oo la soo daayay dhammantood oo ka koobnaa sideed ruux.

Waxay sheegeen in ciidamo deegaanka Sanaag bari oo taageersan Puntland ay ku haysteen magaalada Badhan, wax dhibaato ahna aanay u geysan.

Mas'uliyiintan oo haatan ku soo jeeda degmada Ceerigaabo, waxay markii hore u tageen deegaanka Sanaag Bari wacyigelinta diiwangelinta codbixiyaasha doorashada Somaliland ee la filayo march 2017.

Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa ku murma degaanada Sanaag Bari.

Xigasho: BBC

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM