​Madaxweynaha DDSI oo ka hadlay weerarkii Gaashaamo

Image

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamed Cumar, ayaa ka hadlay shaqaaqo dhawaan dad badan lagu laayay oo ka dhacday deegaanka Gaashaamo oo dhaxa xadka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay isagoo haatan safar ku jooga dalka Australia in shaqaaqadaasi dhacday waqtigii uu kasoo maqnaa dalka islamarkaana, islamarkaana dhibaatadu ka kacday isfahamwaa ka dhashay baabuur siday alaab kotorobaan ah, taasi oo ciidamada u xilsaaran ku qabteen deegaanka Gaashaamo.

Cabdi Ilay, oo la hadlay Idaacad lagu magacaabi SBS, ayaa sheegay in arrintaasi loo xilsaaray guddi soo baaray sida wax u dhaceen iyo tirada dadka ku dhintay, wuxuuna sheegay inaysan xaqiiqadu ahayn sida loo soo tabiyay.

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in lagu dagaallamo arrin si fudud loo dhammayn karo, isagoo sheegay inay dhibkaasi mas'uuliyaddiisa lahaayeen kooxo doonayay inay khasab ku kaxaystaan baabur lagu qabtay alaabo mamnuuc ah.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomalida Ethiopia, ayaa beeniyay in tirada dhimashadu tahay tirada lasoo wariyay ee kor u dhaafaysa 20-ka, balse ma uusan sheegin tirada dadka la laalayay.

Dhawaan ayaa iska hor imaad dhexmaray ciidamo ka tirsan DDSI iyo dad shacab ah, waxaa ku dhintay in kabadan 21 ruux.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM