Madaxweynaha DF iyo Midowga Afrika oo ka shirey hirgelinta Higsiga 2016

Image

April 6, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbiley Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Maman Sidikou.

Labada mas'uul ayaa ka wada hadley xaaladda siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan dardar gelinta barnaamijyda Hiigsiga 2016  iyo dib u heshiisiinta , hawlgallada ka dhanka ah Al Shabaab iyo arrimo kale.

Madaxweynha ayaa sheegay in xukuumadda, baarlamanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshaduba ku guda jiraan hawlo kala duwan oo la doonayo in lagu xaqiijiyo Hiigsiga 2016-ka, isagoo intaas raaciyey in rajada la qabo hirgelinta yoolka 2016 ay tahay mid wanaagsan.

Danjire Sidikou ayaa isna soo dhoweeyay horumarka laga sameeyey dhanka siyaasadda  isagoo xusey in Midowga Afrika ay go'an tahay sidii uu Soomaaliya uga taageeri lahaa inay noqoto dal xasilloon oo horumar ku tallaabsada.

Beesha caalamka ayaa cadaadis ku saareysa Dowladda Federaalka inay hirgeliso Higsiga 2016 xilli cabsi laga qabo in dowladdu waqtiga kororsato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM