Madaxweynaha DFS oo baaq u direy beesha caalamka

Image

27 August, 2015 (GO)-Madaxweynaha DFS Xasan Shiikh Maxamuud  ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay  gar-gaar lasoo gaaraan shacabka ku nool degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Madaxweynaha oo shacabka a Diinsoor kula hadlay meel fagaaro ah ayaa sheegay in dowladda Somalia ay taageero dhan kasta ah la garab taagan tahay bulshada degmadaasi,wuxuuna xusay inay degmada u dhisayaan ciidamo ammaannkeeda ilaaliya si aysan Al-shabaab ugu soo laaban.

"Waxaan shacabka degaankan u sheegayaa in dowladda ay gacan buuxda idin ku siineyso dib u soo celinta adeegyada muhiimka ee aad u baahan tihiin, waxaana beesha caalamka ugu baaqeynaa inay dadka deegaanka ka caawiyaan wixii taageera ah ee ay u baahanyihiin"Ayuu Xasan Sheekh.

Maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayuu xasan madaxweynuhu inay iska kaashan doonaan hormarinta iyo adkeynta amniga degmada Diinsoor.

Shalay ayay ahayd markii Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh booqdey degmada Diinsoor oo muddo dheer ka maqnayd gacanta dowaladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM