Madaxweynaha dowlada Somalia oo dib ugu noqdey Muqdisho

Image

MUQDISHU Jan 30,2015 [GO]- Madaxweynaha dowlada Somaia oo magaalada Addis Ababa kaga qayb galayey shirka wadamada ku bahoobey urur goboleedka IGAD ayaa safar deg deg ah dib ugu soo noqdey magaalada Muqdishu.

Wararka ayaa sheegaya in sababta madaxweynaha safarkiisa u soo gaabshey aheyd madaama gudoonka Barlamanka Ra'isal wasaaraha Somalia ku wargaliyeen in xukuumada la horkeeno golaha shacabka taasoo shaki laga muujiyey in la ansaxin doono.

Xasan Shiikh oo galabta makhribkii kasoo dagey garoonka Muqdisho ayaa bilaabey inuu u ololeeynayo sidii xukuumada loo ansaxin lahaa isagoo kulamo la qaatey xildhibaano ka tirsan Barlamanka Somalia iyo gudoonka.

Maalinta berri ah ayey ku egtahay 14 cisho oo xildhibaanada horey u siiyeen Ra'isal wasaaraha iyadoo wararku sheegayaan in Cumar Cabdirashiid  qabo fikrka ah in waqtiga loo kordhiyo.

Xukuumada cusub ayaa waxaa tageerey Qaramada midoobey, dowlada Mareykanka iyo urur goboleedka IGAD.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM