Madaxweynaha Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo dib loogu celiyey Muqdishu

Image

MUQDISHU,Somaliya- Wararka aan ka helayno ilo diblomaasiyeed ee ku sugan magaalada Nairobi ayaa warsidaha GO u sheegey in Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikarim Xuseen Guleed iyo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Somaliya dib loogu soo celiyey magaalada Muqdishu xilli ay booqasho ku joogeen magaalada Nairobi.

Dib u soo celintaan ayaa timid markii xubnahaan magaalada Muqdishu ka ambabaxeen waxyar kadib markii ay ka qayb galeen kulankii xubnaha beesha caalamka iyo golaha amaanka la qaateen madaxda Somalida 19 May,2016. 

Xubnaha beesha caalamka ayaa aad uga xumaadey safarkaan ay madaxda labadaan maamul ugu ambabaxeen magaalada Nairobi xilli ay xaalad cakirin ka taagan tahay ansaxinta heshiiska dorrashada Somaliya taasoo Barlamanka Federaalka diidan yahay. 

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa wararku sheegayaan in ku wajahnaa dalka Talyaaniga halka Cabdikarim Xuseen Guuleed joogi Iahaa dalka Kenya kuwasoo maanta dib loogu soo celiyey magaalada Muqdishu kadib markii xubnaha beesha caalamka diyaarad soo siiyeeen.

Labadaan mas'uul ayaa sida diplomasiyiintaan u sheegeen GO waxaa beesha caalamka rumeysan tahay iney qayb ka qaadan kaaraan xalinta diidmada xubnaha Barlamanka ee heshiiska doorasho ee Somaliya.

Dhinaca kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in kulankii 19 May, 2016 golaha amaanka uu la qaatey madaxda Somaliya uu gudoomiyaha Barlamanka Federaalka ka baaqsadey inuu ka qayb galo taasoo bixisay calaamad ah inuu qayb ka yahay diidmada Xildhibanaada ee heshiiskaan.

Beesha caalamka iyo xubnaha golaha amaanka ayaa sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyey inuu wax ka ogaa mudahraadyadii ka dhacey magaalada Muqdishu kuwasoo lagu baadi goobayey in gobolka Banaadir xubno ka helo aqalka sare ee Barlamanka Federaalka.

Mudaharaadkaan ayaa lagu beegey xilli magaalada Muqdishu booqasho ku joogeen wakiillada golaha amaanka iyo beesha caalamka. 

Golaha amaanka iyo wadamada kaalmeeya Dowlada Federaalka ayaa kulankaas ku gudooyey in hadii heshiiska doorashada Somaliya la ansaxin waayo dalka Somaliya Qaramada Midoobey dib ugu celinayaan KMG mas'iuliyadana ay qaadayaan madaxda haysa xilka waqtigaan.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM