​Madaxweynaha Galmudug oo eedeeyay Puntland [Dhagayso]

Image

CADAADO, Somalia- Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay howlgal maanta ka dhacay Bariga magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, kaasoo lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen mallayshiyaad katirsan ururka Al Shabaab.

Howlgalkan oo ay fuliyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF oo taageero ka helay Maraykanka, ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 20 dagaalyahan.

Weerarkan ayaa maamulka Galmudug dood adag ka keenay, iyagoo sheegay in la weeraray saldhig ciidamadoodu joogeen, waxayna geerida ku sheegeen 23 Askari iyo Afar baabuur oo la gubay.

Madaxweynaha Galmudug oo maanta Cadaado soo gaaray, ayaa cambaareeyay howlgalkaas, waxuuna Puntland ku eedeeyay inaysan doonayn nabad kuwada noolaansho.

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in ciidamadooda lagu tilmaamo Al Shabaab, isagoo ku baaqay in laga wada shaqeeyo amniga gobolka.

Guuleed, ayaa xusay in maamulkiisa wax gacan saar ah la lahayn xarakada Al Shabaab, isagoo dowladda dhexe iyo maamullada dalka ugu baaqay inay dowladda Puntland diyaar u ahayn hishiisyadii la galay dabayaaqadii sannadkii hore.

Wuxuu Tacsi u diray mallayshiyaadkii lagu dilay howlgalka ciidamada Puntland iyagoo aas-qaran ugu sameeyay duleedka magaalada Galkacyo.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Puntland iyo dowladda Maraykanka, kuwaasoo si wadajir ah u fuliyay howlgalkan dhinaca kale u dhigtay xukuumadda Cadaado.

Arrintan, ayaa hurinaysa khilaafka xooggan ee labada dhinac u dhaxeeya.

Horay waxaa qaybo kamid ah gobolka Mudug uga soo duulay mallayshiyaad katirsan Al Shabaab kuwaasoo lagu jabiyay dagaallo ka dhacay gobollada Nugal iyo Mudug ee Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM