Madaxweynaha Galmudug oo shaaciyay hishiis uu la galay dhigiisa Puntland [Dhagayso]

Image

26 Octobar, 2015(GO)-Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xusen Guleed ayaa sheegay inay diyaar u yihiin deganaansho iyo nabad laga abuuro deegaanada maamulkaasi.

Guuleed ayaa ka codsaday maamullada dariska la ah inay ka shaqeeyaan sidii loo adkayn lahaa amniga, wuxuuna xusay inay muuqato ifa-faalooyin aan wanaagsanayn, taasi oo abuuri karta daganaansho la'aan.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in dhigiisa Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ku kulmeen magalada Muqdishu, kana wada hadleen sidii nabad loogu soo dabaali lahaa xuduuda labada dhinac.

Maamulka Ahlusunna ayuu u jeediyay baaq nabadeed, wuxuuna tilmaamay in garab ka mid ah hishiis la galeen, halka kuwa kale ugu baaqay inay qaataan wadahadal.

Al-Shabaab ayuu xusay inay kula jiraan dagaal adag, isagoo tilmaamay in deegano badan xoog looga qabsaday.

Hadalkan ayuu sheegay xilli uu shalay ku soo laabtay magalada Galkacyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM