Madaxweynaha Hir- Shabeele ayaa tagey Baladweyne kadib markuu la kulmay Xasan Shiikh

Image

BELEDWEYNE, Somalia - Madaxweynaha Cusub ee Hir-Shabeelle Cali Cabdullahi Cosoble iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta oo Khamiis ah waxay gaareen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Hir-Shabelle, oo kasoo duulay Muqdishu, ayaa waxay wararku sheegayaan inuu u tagay Beledweyne la kulanka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ah Ugaaska Beesha Xawaadle, oo si aad ah uga soo horjeedo mamaulkiisa.

Cali Cabdullahi Cosoble ayaa markii uu gaarey Beledweyne, waxaa soo dhawaayay maa'uuliyiin katirsan maamulka gobolka Hiiraan, Saraakiisha ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM. Wararka ayaa sheegaya in Cali Cabdullahi Cosoble, Madaxweynaha Hir-Shabeelle uu Hotgiisa ugu tagey Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, islamarkaana uu la leeyahay Wadahadallo gaar ah. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Talooyinka uu siiyay Cali Cabdullahi Cosoble, waxaa ku jiro inuu maamulka uu soo dhisi doono laga qeybgeliyo Ugaasyada iyo Siyaasiyiinta Miisaanka ku leh Hiiraan. 

Madaxweynihii hore ee dowlada Federaalka  Xasan Sheekh, ayaa xalay Muqdishu kula kulmay Cali Cabdullahi Cosoble, waxaana waxyaabaha kulankooda uga wada hadleen kamid ahaa in la qanciyo Ugaas Xasan, si uu uga qeybgalo Xafladiisa caleemo saarka oo la filayo inay ka dhacdo Jowhar Sabtida soo socoto. 

Cali Cabdullahi Cosoble ayaa sidoo kale waxa uu xalay kula kulmay Muqdishu Dibmomaasiyiin iyo Wakiilka gaarka ah ee QM ee Somalia Micheal Keating, kuwaasi oo kula hadlay arrimaha doorashada Aqalka sare, dib u heshiisinta iyo horumarinta maamulkiisa cusub.

Madaxweynihii hore ee Somalia ayaa dadaal u galey in labadaan gobol maamul yeeshaan doorashada ka hor iyadoo dadka la socda siyaasada aaminsan yihiin Inuu saameyn weyn ku yeelan doono xulista xildhibanada aqalka sare iyo hoose ee goboladaan.

Beesha caalamka ayaa qoraal ay soo saartey taageertey dhismaha maamulkaan balse aan xusin cabsida laga qabo in shacabka labadaan gobol u madaxbanaan xulista xildhibanada u matalaya Barlamanada Somalia.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM

Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga

Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 07:50PM