​Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo ku dhawaaqay xubnaha Aqalka sare

Image

JOWHAR, Somalia- Madaxweynaha Maamulka Cusub ee Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa maanta oo Jimco ah soo saarey Liiska Musharaxiinta Aqalka sare.

Liiska Musharaxiinta oo ka kooban 21 xubnood, ayaa 4 kamid ah waxa ay yihiin dumar, kuwaasi oo u tartamaya Kuraasta sideeda ah, ee la siiyay maamulka Hir-Shabeelle.

Mudane, Cosoble, ayaa muddooyinkii dambe laga sugayay inuu liiskan ku dhawaaqo iyadoo ay jireen cadaadisyo uga imaanaya dhinaca Qabaa'ilka.

Akhriso Liiska Musharaxiinta;

1-Xasan Axmed Haaruun iyo Aadan Axmed Xuseen

2-Faadumo Abuukar Mahdi, Drs Naciimo Shiikh Maxamuud,Fartuun C/dir

Faarax, Sacdiyo daa’uud Maxamed iyo Axmed Sayid Axmed

3-Maxamed Cismaan Faarax(Dhagajun) iyo Cumar Cismaan Cilmi

4-Bashiir Maxamed Aadan iyo Cabdnuur Ibraahin Farey,Cismaan Mocow iyo

Siraaji Shiikh Isxaq Cabdulle.

5-Maxamed Awow Shiikh Cismaan iyo Maxamed Xasan Geedi

6-Muuse Xasan Yalaxow(Muuse suudi) iyo  Xasan Cali Caadle

7-Maxamed Xuseen Raage iyo Keyse Diiriye Nuur

8-Jaamac Xuseen Xaashi iyo Prof. Cismaan Maxamuud Duflle.

Malinta barri ah ayaa lagu wadaa in doorashada loo qabto iyadoo oo noqonayo maamulkii ugu dambeeyay ee soo saara xubnihiisa Aqalka Sare, xilli maamul goboleedyada kale ka socdaan soo xulista xildhibaanada Aqalka hoose.

GAROWEONLINE

Related Articles

Farmaajo: Xasan Sheekh waa inuu maalmaha u haray ku dhawaaqaa nidaam doorasho oo loo dhan yahay

Farmaajo ayaa maamulka hadda jira ku eedeeyay inuu ku xadgudbayo xorriyadaha dastuuriga ah iyo xorriyadda hadalka.

  • Soomaliya

    08-05-2026

  • 07:51PM

Dowladda Soomaaliya oo War Cusub kasoo Saartay Kiiska Sacdiya Bajaaj ee Muqdisho Lagu Xiray

Dhanka kale, hay’adda Amnesty International ayaa hore ugu baaqday dowladda Soomaaliya in si shuruud la’aan ah loo sii daayo Sacdiya.

  • Soomaliya

    07-05-2026

  • 08:13PM