Madaxweynaha Jabuuti iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Muqdisho yimid

Image
Image
Image
Image
Image
Image

February 21, 2015 (GO)- Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow kasoo degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Mas'uuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaalka, xildhibaanno, wasiirro iyo qaar kamid ah madaxda dhaqanka ayaa wafdiga Jabuuti si dirran usoo dhoweeyey.

Intaas kaddib waxaa wafdiga loo soo gudbiyey dhanka hoteelka City Palace halkaasoo ay kaga qayb galeen munaasabad lagu xusayey maalinta afka hooyo oo ku beegan 21-da bisha February.

Muddada Ismaaciil Cumar Geelle Muqdisho ku sugan yahay, wuxuu la kulmi doonaa madaxda ugu sareysa dowlada Soomaaliya isagoo sidoo kale dhagax dhigi doona akaademiyad lagu darsi doono afka Soomaaliga taasoo xarunteeda dhexe Muqdisho laga hirgelinayo.

Waa markii labaad ee Ismaaciil Cumar Geelle booqasho ku yimaado magaalada Muqdisho laga soo bilaao markii uu dalku kumeel garnimada ka baxay.

Faah faahin ku saabsan munaasabadda lagu xusayo maalinta afka hooyo dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM