Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo kusoo laabtay

Image

Axad, Sept 14, 2014 (Garowe Online)- Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaan iyo wafdi uu horkacayo ayaa gelinkii dambe ee maanta magaalada Kismaayo soo gaaray.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa si diirran garoonka diyaaradaha ugu soo dhoweeyey mas'uuliyiin dowladda ka tirsan iyo dadweyne boqollaal gaarayey.

Axmed Madoobe iyo wafdigiisa oo maareeyaha dekedda Kismaayo uu kamid yahay, labadii todobaad ee ugu dambeeyey waxay ku sugnaayeen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Muddadii uu Nairobi ku sugnaaa Madaxweynaha Jubaland wuxuu halkaa kula soo kulmay mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Kenya iyo weliba diblumaasiyiinta caalamka ee fadhigoodu u Nairobi yahay.

Soo laabashada Madaxweynaha ayaa kusoo aadaysa xilli uu dhowaan Kismaayo ka furmi doono shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Jubbooyinka oo lagu wado in labo maalmood kaddib uu furmo.

Wufuud tiro badan ayaa Kismaayo soo gaarey 24tii saac ee ugu dambeeyey, qaban qaabada shirkana si weyn ayaa loo dareemayaa iyadoo ammaankana aad loo adkeeyey.

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM