Madaxweynaha Jubaland oo Nairobi u dhoofay

Image

January 4, 2015 (GO)- Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Isalaan oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha magalada Kismaayo isagoo u kicitamay magaalada Nairobi ee casimadda dalka Kenya.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga maamulka Jubbaland Maxamed Faarax Warsame Darwiish ayaa warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Kismaayo isagoo sheegay in safarka Madaxweynaha salka ku hayo shirar uu madaxda dowlada Kenya kula yeelan doono magalada Nairobi.

Mudane Darwiish faah faahin kama bixin arimaha labada dhinac ka wada hadli doonaan, balse warar madax banaan oo Garowe Online heshay ayaa sheegaya in saraakiisha difaaca dalka Kenya iyo maaamulka Jubba ka wada hadlayaan hawlgalo lagu wado in biilowga sanadkaan ay ka bilaabmaan gobollada Jubboooyinka.

Waxaa sidoo kale jira wafdi ka socda dowalda Itoobiya oo iyagana la filayo in ay dhowaan gaaraan magalada Nairobi si ay wadahadalkaas qayb uga noqdaan. 

Cabduulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland ayaa Axmed Madoobe kaga sii horeeyay Nairobi.

Todobaadkii hore eyey ahayd markii Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe sheegay in gobolada Jubbooyinka iyo Gedo laga bilaabi doono hawlgal ballaaran oo lagula dagaalmayo Al-shabaab, hawlgalkaasoo si wadajir ah isula sameynayaan ciidamada Jubaland oo kaashanaya ciidamada Itoobiya iyo Kenya ee qaybta ka ah AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM

Howlgalka Nabadda ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Wajahaya Caqabado Dhaqaale

Masuuliyiinta Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyay muhiimadda AUSSOM u leedahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 01:05PM