Madaxweynaha Jubaland oo Nairobi u dhoofay

Image

January 4, 2015 (GO)- Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Isalaan oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha magalada Kismaayo isagoo u kicitamay magaalada Nairobi ee casimadda dalka Kenya.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga maamulka Jubbaland Maxamed Faarax Warsame Darwiish ayaa warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Kismaayo isagoo sheegay in safarka Madaxweynaha salka ku hayo shirar uu madaxda dowlada Kenya kula yeelan doono magalada Nairobi.

Mudane Darwiish faah faahin kama bixin arimaha labada dhinac ka wada hadli doonaan, balse warar madax banaan oo Garowe Online heshay ayaa sheegaya in saraakiisha difaaca dalka Kenya iyo maaamulka Jubba ka wada hadlayaan hawlgalo lagu wado in biilowga sanadkaan ay ka bilaabmaan gobollada Jubboooyinka.

Waxaa sidoo kale jira wafdi ka socda dowalda Itoobiya oo iyagana la filayo in ay dhowaan gaaraan magalada Nairobi si ay wadahadalkaas qayb uga noqdaan. 

Cabduulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland ayaa Axmed Madoobe kaga sii horeeyay Nairobi.

Todobaadkii hore eyey ahayd markii Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe sheegay in gobolada Jubbooyinka iyo Gedo laga bilaabi doono hawlgal ballaaran oo lagula dagaalmayo Al-shabaab, hawlgalkaasoo si wadajir ah isula sameynayaan ciidamada Jubaland oo kaashanaya ciidamada Itoobiya iyo Kenya ee qaybta ka ah AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM