Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo gaarey Kismayo

Image
Image

Dec 27,2014 [GO]- Madaxweynaha maamuulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta gaaray magalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Wafdiga Shariif Xasan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magalada Kismaayo ku soo dhaweeyay madaxda maamulka Jubbaland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan Madoobe, Wasiirro, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Soo dhaweyn kaddib wafdiga Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan waxaa loo gudbiyay xarunta madaxtooyada maamulka Jubbaland halkaasoo kulan saacado socdey wada qaateen dhigiisa Mud. Axmed Madoobe.

Ugu horeyn waxaa saxafada la hadlay markii uu dhammaaday kulankaan Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan, isagoo maamulka Jubbaland uga mahad celiyey soo dhaweyntii heerka sare eheyd ee loo sameeyay.

Dhanka Kale Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in labada maamul iska kaashan doonaan amaanka iyo arrimaha Ganacsiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM