Madaxweynaha PL oo la kulmey wafdi ka socda EU iyo Australia

Image

April 8, 2015 (GO)- Magaalada Garowe waxaa maanta soo gaarey wafdi ka socda Midowga Yurub iyo Australia. Wafdigan oo ku dhowaad toban xubnood ka koobnaa waxaa hoggaaminayey safiirka dowladda Australia u jooga dalka Somalia, Mr. John Feakes.

Wafdigan waxaa sidoo kale qayb ka ahaa madaxa hay'adda UNODC ee Soomaaliya iyo saraakiil kale oo ka socdey safaaradaha Netherlands, Britain, Denmark iyo Sweden.

Madaxweynaha Puntland ayaa wafdigaas ku qaabiley madaxtooyda halkaasoo labada dhinac kulan ku yeesheen. Markii kulankaasi soo gaba gaboobey waxaa si wadajir ah warbaahinta ula hadley Madaxweyne Gaas iyo safiirka Australia John Feakes.

Madaxweynaha oo hadalka ku horreeyey ayaa sheegay in madaxda Punltand iyo wafdigani arrimo dhowr ah isla soo qaadeen isagoo xusey inay ugu muhiimsan yihiin: xoojinta xiriirka labada dhinac iyo sidii Midowga Yurub u dardar gelin lahaa taageerada uu siiyo Puntland.

Safiirka Australia oo intaas kadib hadley ayaa ugu horreyn ka mahadceliyey sida wanaagsan ee wafdiga uu hoggaaminayo Garowe loogu soo dhoweeyey isagoo sheegay in ujeedada ay Puntland u yimaadeen tahay sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen xaaladda guud ee Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM