Madaxweynaha Puntland oo Addis Ababa soo gaarey

Image

October 27, 2014 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalmihii u dambeeyey booqasho ku joogey dalka Ingiriiska ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Gaas ayaa mudadii uu London ku sugnaa ka qayb galay shir looga hadlayey maalgashiga qaarada Africa isagoo sidoo kale kulamo gaar gaar ah halkaas kula soo yeeshay xubno ka tirsan beesha caalamka iyo weliba jaaliyadda reer Puntland ee Ingiriiska ku dhaqan.

Xiligii uu Madaxweynaha Punltand kasoo degayey garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa waxay garoonka dhexdiisa isku arkeen Wasiirka Arimada Dibadda Itoobiya Tedros Adhanom oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayaa ku wajahnaayeen dalka Kuwait.

Sida ilo wareedyo lagu kalsoon yahay Garowe Online u xaqiijiyeen mudada Cabdiweli Gaas Addis Ababa ku sugan yahay wuxuu la kulmi doonaa mas'uuliyiin ka tirsan qaar kamid ah shirkadaha caalamiga ah ee shidaal baarista ka shaqeeya gaar ahaan shirkada Africa Oil.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Cabdiweli Gaas gaari doono wadanka Imaaraadka Carabta halkaas uu kaga qayb gali karo shir looga hadlayo burcad badeedka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kulamadii Gollaha Shacabka oo Dib u Bilaabmay Kadib Maalmo Ismari-waa ah

In kasta oo khilaafkaasi weli uu saamayn leeyahay, haddana dib u bilaabashada kulamada baarlamaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 02:00PM

Lugatoor: Beesha caalamka hal dollar kuma bixin dagaalka Puntland kula jirto ISIS

Waxa uu sidoo kale ammaanay kaalinta Soomaalida qurbaha, kuwaasoo uu sheegay inay bixiyeen malaayiin dollar si ay u taageeraan dagaalka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 01:46PM