Madaxweynaha Puntland oo u dhoofay Muqdishu [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

19 September, 2015(GO)-Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka dhoofay magalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Gaas ayaa ku wajahan Muqdishu oo ka furmayo Barri shir looga hadlayo doorashada 2016 oo ilaa hadda la caddayn qaabka ay noqonayso.

Xubno ka tirsan golaha wasiirrada, Barlamanka iyo saaraakiil kale aya ku wehelinay Gaas safarkiisa.

Gaas ayaa markii uu ka dhoofayey la hadlaye saxaafada waxaana uu yiri  "Dabcan waxaan shacabka Puntland u cuntamin shirka kasoo qaadi mayno qorshahayagu waxa weeyaan in mowqifka  Puntland cadyahay, Somalina u cadyahay beesha caalamkana u cadyahay”

Magalada Muqdisho waxaa Axadda ka furmaya shir looga hadlayo doorashada dalka Somalia ka dhici doona 2016, waxaan maanta la filayaa inay tagaan Xamar masuuliyiin ka socota maamullada kale ee dalka.

Shirka Muqdishu waxaa madaxweyne Gaas caadaadis ku saaray inuu ka qayb galo beesha calaamka, horay Barlamanka Puntland waxay ku sheegeen kalfadhigii dhawaan soo xirmay inaysan dowladda Puntland shir la gali karin madaxda Somalia illaa la saxo waxyaabaha faragalinta lagu sameeayay oo Dastuurku ka midyahay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM