Madaxweynaha Somalia iyo Ra'isal Wasaaraha Ethiopia oo kulmey

Image

February 18, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia kula kulmey Ra'isal Wasaaraha dalkaas Hailemariam Desaling.

Labada mas'uul ayaa ka wada hadlay arimo ay ugu muhiimsanaayeen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii ay iskaashi buuxa uga yeelan lahaayeen dhinacyada ammaanka iyo la-dagaalanka Al-shabaab.

Madaxweynaha Somaliya iyo wafdigiisa ayaa ka qayb galay afartan sano guuradii kasoo wareegtey markii la ridey xukunkii keligii taliska ahaa ee Mingistu Hailemariam.

Xasan Sheekh mudada uu halkaas ku sugan yahay wuxuu la kulmi doonaa qaar kamid ah madaxda ka socota caalamka ee xafladda lagu casumey.

Kumannaan ka tirsan militeriga Itoobiya ayaa jooga Soomaaliya kuwaasoo qayb ka ah hawlgalka nabad-ilaalinta ee AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM