Madaxweynaha Somalia oo Baydhabo tagay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

15 Octobar, 2015(GO)-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa maanta gaaray magalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed Somalia.

Ujeedka safarka ayaa la sheegay inuu salka ku hayo sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta DFS iyo maamulkaasi iyo soo xulista Xildhibaanada Koonfur Galbeed Somalia taasi oo mudadan ka socotay maglada Baydhabo.

Soo dhaweyn ballaaran ayaa loogu sameeyay magalada, waxaana garoonka ku soo dhaweyay mas'uuliyiinta ugu saraysa maamulka Koonfur Galbeed Somalia.

Waxgaradk, Bulshada qaybahooda kala duwan ayuu kula kulmay magalada Baydhabo, waxayna ka wada hadleen arrimo ay ka mid tahay Xildhibaanada maamulkaasi oo dhawaan la soo xuli doono.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay waxaana waddooyinka magalaasi la dhoobay ciidamo tiro badan.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale la kulmay hogaamiyaasha maamulkaasi, waxaana safarkiisu imaanaya xilli uusan wali qabsoominn shil loo ballansana 14 Bishan inuu maamul goboleedyada iyo Dowladda Federaalka Somalia uga furmo maglada Muqdishu xarunta Somalia.

Lama cadayn sababta u baaqday iyo waqtiga uu qabsoomi doono.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM