Madaxweynaha Somalia oo Bosaso laga sugayo

Image

07 January, 2016(GO)-Madaxweynaha Somalia iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta la qorshayanayaa inay tagaan magalada Bosaso xarunta gobolka Bari, waxaana garoonka diyaaradaha ku sugan mas'uuliyiin heer Federal iyo maamul.

Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka qayb galaya furitaanka madaarka diyaaradaha Bosaso kaasoo barri 08 January, xarigga laga jari doono.

Wufuud kala duwan oo isugu jirta Somalia iyo ajaanib ayaa kusugan magalada Bosaso, waxayna ka qayb gali doonaan xafladda garoonkii ugu horeeyay caalami ah oo Somalia yeelato.

Mas'uuliyiin katirsan dowladda Puntland ayaa lafilayaa inay ka yimaadaan; DJabuuti, Hargaysa, Muqdishi, Adis Ababa, Nairobi, Dubai, Thailand ,Turki China, Imaaraadka, Ethiopia, Masar iyo Kenya.

Ammaanka magalada ayaa la adkeeyay, waxaana xarunta gobolka Bari laga dareemayaa xaddiga dadka yimi iyadoo buux dhaafeen hotellada.

Faah faahinta warkaas iyo furitaanka garoonka, waxaad kala socon doontaan Radio Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM