Madaxweynaha Somalia oo eedeeyay beesha caalamka

Image

10 December, 2015(GO)-Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa eedayn u soo jeediyay beesha caalamka oo ku dhaliilay inaysan dhaqaalo siin Somalia.

Xasan Sheekh ayaa hadalkan sheegay xilli uu ka qayb galay munaasabad loogu magac daray “Xoojinta hay’adaha dowladda iyo sare u qaadidda sumcadda dhaqaale ee Somalia”. Waxaana madashaasi joogay xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Nicklos Kay, saraakiil Somalia iyo ajnabi isugu jirta.

Madaxweynaha Somalia ayaa tilmaamay inaysan beesha caalamka Somalia dhaqaalo siin, balse gacanta loo galiyo hay'ado anjnabi ah, sababtuna tahay dhaliil loo soo jeediyay Bangiga dhexe iyo wasaaradda maaliyadda Somalia.

Waddanka oo haatan la daala dhacay ammaan daro iyo weeraro uga imaanay kooxaha arga-gixisada ah, ayuu sheegay inaan dowladda lagu taageerin hub iyo rasaas, balse badalkeeda loo keeno gawaari iyo Cumputaro.

Lacagta loogu talagalay in lagu bixiyo mushaharka ciidamada Somalia, ayuu Xasan Sheekh sheegay inaan dowladda la soo gaarsiin balse mas'uuliyadaasi la saaray hay'ado ajnabi ah.

Wuxuu walaac ka muujiyay qaabka beesha caalamku waxa u waddo iyo halka Somalia ku socota, dowladda dhexena lagu eedaynayo musuq maasuq ku aadan yabooaha dhaqaale ee beesha caalamka.

Hadalka mas'uulka ugu sareeyay Somalia ayaa imaanaya xilli dalka lagu caawiyo dhaqaalo badan oo beesha caalamka ku doonayso in wax looga qabto amniga, hormarka iyo baahida dadka tabaalaysan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaaf ka taagan cidda hoggaaminaysa Koonfur Galbeed xilliga kala-guurka

Imaanshaha weftiga ayaa muujinaya bilowga kala-guur ay hoggaaminayso dowladda federaalka, kadib iscasilaaddii Laftagareen.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 01:43PM

Go’doomintii hawada ee Koonfur Galbeed oo dhammaatay: Diyaaradaha rayidka ah oo ka degay Baydhabo.

Adan Maalim Ibraahim, oo ah wakiil socdaal oo ka howlgala Baydhabo, ayaa sheegay in tigidhada la bilaabay in la qabsado xalay.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 11:56AM