Madaxweynaha Somalia oo Ethiopia u dhoofay

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia Xasan Sheekh Maxamud iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u dhoofay xarunta dalka Ethiopia ee Adis Ababa halkaasoo ka furmi doono shir ay yeelanayaan madaxda Africa.

Shirka madaxeedka IGAD ayaa diiradda lagu saari doonaa arrinta Koonfurta Suudan iyo doorashada Somalia.

Shirkan oo muddo kooban socon doona ayaa si qodo dheer looga hadli doonaan qaabka lagu xallin karo qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan waddanka yar ee Koonfurta Suudaan iyadoo lagawada xaajoono in la geeyo ciidamo dheeraad ah oo amniga suga.

Doorashada Somalia ee dalka ka dhacaysa 2016 ayaa looga doodi doonaa iyadoo la filayo in madaxweyne Xasan Sheekh madasha geeyo halka arrinta doorashadu marayso.

Safarka madaxweynaha Somalia ayaa kusoo aadaya xilli uu magaalada Muqdishu kasocdo shirka madaxda Federalka iyo maamul goboleedyada taasoo looga hadlay marxaladda kala guurka ah iyo qaabka loo wajahayo isbadalka la filayo inuu dhaco 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM