Madaxweynaha Somalia oo Hortagaya Barlamanka Federaalka

Image

Madaxweynaha Dowladda Somalia Xassan Sheikh Maxamud ayaa Axada maanta ah hortagaya Baarlamaanka Federaalka Somalia, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha aqalka shacabka. Madaxweynaha ayaa codsadey inuu baarlamaanka hortago.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in madaxweynaha Somalia ka codsanayo xildhibanaada Barlamanka Somalia iney ansaxiyaan guddiga Dastuurka kaasoo codsigiisu horyaaley aqalka in muddo ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa ku wargaliyay baarlamaanka inay u diyaar-garooban hadalka uu jeedinayo madaxweynaha.

“Waxaa xafiiskeyga soo gaartay,codsi ka yimid madaxweynaha,wuxuuna dalbaday baarlamaanka inuu horyimaado si uu khudbad ugu jeediyo,waa inad isku diyaarisan,”ayuu yiri guddoomiye Jawaari oo ka hadlayay fadhigii ay shalay baarlamaanka yeesheen.

Khubada madaxweynaha waxaa ay ku soo aadaya xilli uu dalku isku diyaarinayo doorasho mar kale ay go’aan ka gaari doonan xildhibaannada ka imaanaya qabaa’ilada.

Madaxweyne Xassan waxuu mar kale doonaya inuu xilkan ku soo laabto, waxaana loo arka hadalka maanta uu jeedinayo inuu waxbadan ku sheegayo, kaaso la fili karo inuu u badaniyo wax qabadkiisa iyo waxii doonayo inuu sii waddo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM