​Madaxweynaha Somalia oo Jig-jiga aaday

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta u amba-baxay magaalada Jig-jiga xarunta Is-maamulka Somalida Ethiopia.

Safarka waxaa ku wehelinaya madaxweynaha xubno katirsan dowladda.

Ilaa hadda lama oga socdaalkiisa iyo waxyaabaha uu salka ku hayo.

Warar madax bannaan oo aan socdaalkaasi ka helayno ayaa sheegaya inuu wada-hadal halkaasi kula leeyahay madaxda Is-maamulka Somalida Ethiopia iyagoo wada xaajoon doona arrimo ku aadan is-badalka Somalia ka dhacaya iyo sidii loo adkayn lahaa ammaanka.

Waa safarkii ugu horreeyay ee madaxweyne Somaaliyeed ku tago dhulkaasi ay maamusho Ethiopia, wixii ka dambeeyay dagaalkii 1977-kii.

Balse, waxaa sannad kahor Jig-jiga tagay Guddoomiyaha Barlamanka Somalia Prof. Jawaari iyadoo marar badan sidoo kale booqdeen madaxda maamul goboleedyada Somalida gaar ahaan Puntland, Jubbaland iyo Galmudug.

Waa socdaalkii labaad oo madaxweynaha Somalia dalka uga baxo as-buuc gudahiis, wuxuuna kusoo beegmay hal maalin kadib markii Muqdishu lagusoo gaba-gabeeyay kulankii madasha ee looga hadlayay doorashada Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM