Madaxweynaha DF oo ka dalbadey wadamada Carabta maalgashi

Image
Image
Image

MUQDISHO 10 May, 2015 (GO)- Madaxweynaha dowlada Federaalka oo maanta xafiiskiisa kula kulmey danjiraaysha wadamada Carabta ka jooga magaalada Muqdisho ayaa ka dalbadey in maalgashi ku sameeyaan dalka Somalia.

Xasan Shiikh oo danjiraaysha uga warbixiyey xaalada dhaqaale, siyaasdeed, amni, maalgashi iyo higsiga 2016 halka ay mareyso,  ayaa sheegey in Somalia ku jirto wadadii dib u soo kabashada.

Mud. Xasan Shiikh ayaa u sheegey wakiilada wadamada Carabta u fadhiya Muqdisho in gobolada dalka gabi ahaanba leeyihiin khayraad kala duwan islamarkaana ganacsatada wadamada Carabta laga filayo maalgashi ay ku samaeeyaan. 

Dhinaca kale madaxweyne Xasn Shiikh  ayaa ka codsadey diblomaasiyiintaan in badeecada Somalia u furaan suuqyadooda si dhaqaale ahaan wadanku u sameeyo dib-u-soo kabasho.

Danjiryaasha ayaa dhinacooda soo dhoweeyey codsiga madaxweynaha Somalia islamarkaana uga mahad celiyey warbiixinta kooban oo uu ka siiyey xaalada wadanka halka ay mareyso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM