​Madaxweynaha Somalia oo ka qayb-galay aaska Xildhibaan Burci

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Muqdishu, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qeybgaley tukashada salaadda Jannaasada ee Marxuum Xildhibaan Burci Maxamed Xamza oo dhowaan ku dhintay weerarkii kooxda Shabaab ku qaadeen mid ka mid ah hoteellada magaalada Muqdishu.

Waxaa sidoo kale Salaaddaasi kasoo qayb galay Guddoomiyaha Barlamanka, ku-xigeenkiisa koowaad, Ra'isal wasaare ku-xigeenka dowladda Soomaliya, xubno katirsan labada gole ee dowladda iyo qaar kamid ah ehelka Marxuum Burci.

Madaxweynaha ayaa salaadda jannaasada kaddib mid mid u gacan qaadey ehelada iyo qoyska marxuumka, isagoo mar kale uga tacsiyeeyay geerida ku timid Marxuum Burci oo sidoo kale ahaa Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha deegaanka.

Burci ayaa noqonaya Xildhibaankii saddexaad oo bishan gudaheeda lagu dilay weerar ka dhacay magaalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM