Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dagaallamay Hiiraan

Image

20 December, 2015(GO)-Ciidamada dowladda Somalia oo kaashanaya ururka Al-Shabaab ayaa ku dagaallamay degmada Jalalaqsi gobolka Hiiraan, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta lahubo 4 ruux oo katirsan dhinacyada dagaallamayaa ayaa goobta ku dhintay waxaa jira dhaawaca saddex kale.

Ciidamada ayaa deegaanka u tagay howlgal ka dhan ah ururka Al-Shabaab oo goobahaasi ka waday uruurinta waxay ugu yeereen Sako, balse jidka waxaa ciidanka dowladda u galay mallayshiyaad ka tirsan kooxdaasi. Dagaalka ayaa la sheegay inuu saacado qaatay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM