Madaxweynaha Somalia oo ka qayb galaya shirka ka dhacaya New York

Image

27 September, 2015(GO)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho saddex maalmood qaadan doonta ugu ambabaxay magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu kaga qeybgeli doono shirweynaha 70-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo New York ka qeybgeli doona furitaanka doodaha shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, shir gaar ah oo heerkiisu sareeyo oo ku saabsan arrimaha Somalia oo dhacaya maalinta Isniinta ee 28-ka bisha September, iyo shir madaxeed uu Madaxweyne Barack Obama martigelinayo, kaas oo looga hadlayo ka hortagga argagixisada iyo kooxda ISIS oo dhacaya 29-ka bisha September.

Waxaa kale oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kulamo kala duwan la yeelan doona madaxda caalamka oo uu ka mid yahay Ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliya xubno sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka, waxaana sidoo kale war-saxaafadeeda ka soo baxay xafiiska Ra'isal wasaaraha Dowladda Federaalka Somalia lagu sheegay in Sharmake uu ka qayb galayo shirkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM