Madaxweynaha Somalia oo ka qayb galaya shirka ka dhacaya New York

Image

27 September, 2015(GO)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho saddex maalmood qaadan doonta ugu ambabaxay magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu kaga qeybgeli doono shirweynaha 70-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo New York ka qeybgeli doona furitaanka doodaha shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, shir gaar ah oo heerkiisu sareeyo oo ku saabsan arrimaha Somalia oo dhacaya maalinta Isniinta ee 28-ka bisha September, iyo shir madaxeed uu Madaxweyne Barack Obama martigelinayo, kaas oo looga hadlayo ka hortagga argagixisada iyo kooxda ISIS oo dhacaya 29-ka bisha September.

Waxaa kale oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kulamo kala duwan la yeelan doona madaxda caalamka oo uu ka mid yahay Ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliya xubno sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka, waxaana sidoo kale war-saxaafadeeda ka soo baxay xafiiska Ra'isal wasaaraha Dowladda Federaalka Somalia lagu sheegay in Sharmake uu ka qayb galayo shirkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM