Madaxweynaha Somalia oo kahadlay weerarka Al-Shabaab gobolka Gedo

Image

16 January, 2016(GO)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka hadlay weerarka Al-Shabaab ee saldhigga ciidamada Kenya deegaanka Ceelcadde gobolka Gedo, wuxuuna sheegay inaysan hakin doonin howlaha nabadaynta dalka Somalia.

“Waxaan tacsi dirayaa Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, shacabka iyo ehaladii ay ka baxeen geesiyaashii naftooda ku waayey, iyagoo gudanaya hawl ay nabad uga dhalinayaan Soomaaliya. Soomaaliya waxay si buuxda ula shaqeyneysa Kenya iyo dalalka kale ee ka tirsan AMISOM, dagaalka lagula jiro Al Shabaab oo aan ku rajo weynahay in bilaha soo socda la soo afjari doono,’’Ayuu yiri Madaxweynaha Somalia.

Waxaa uu Madaxweynahu intaa ku darey in Ciidammada Xoogga Dalka Somaliyeed oo kaashanaya kuwa AMISOM, uu hadafkooda koowaad yahay in argagixisada naf laga sifeeyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika iyo caalamka intiisa kale.

Xaaladda deegaanka dagaalku kadhacay ee Ceelcadde ayaa lagu soo waramayaa inay dagantahay, waxaase jira diyaarado kasocda dalka Kenya oo dul heehaabaya hawada deegaankaasi, waxayna baadi goob ugu jiraan ciidamo waddankaasi kasoo jeeda oo firxad duurka ugu jira.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM