Madaxweynaha Somalia oo Kismayo tagay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

13 January, 2016(GO)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta tagay magalada Kismayo xarunta Jubbaland halkaas oo ay kusuganyihiin madax katirsan dowladda Federalka iyo madaxweynayaasha maamullada dalka.

Xasan Sheekh ayaa kayimi magalada Jowhar oo kasoo furay shirka maamul u samaynta gobollada Hiiran iyo Shabeelaha dhexe, waxaan soo dhaweyn u sameeyay mas'uuliyiinta kusugan magalada Kismayo.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madobe ayaa soo dhaweyn kadib sheegay inuu ku faraxsanyahay imaanshaha madaxweynaha oo uu tilmaamay inay sugayeen dhowrkii maalin ee lasoo dhaafay.

Xasan Sheekh Maxamud Madaxweynaha Somalia ayaa dhankiisa ka hadlay arrimo ay kamid tahay waqtiga la go'aaminayo habraaca doorashada 2016, wuxuuna tilmaamay in madashan noqon doonto kulanka lagu go'aaminayo qaabka ugu haboon ee doorashada soo socota lagu salayn doono isagoo meesha ka saaray warar sheegayay in dib loo dhigi doono si talada looga qayb galiyo maamulka la dhisayo ee gobollada Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan.

Dhammaan madaxdii shirka ka qayb gali lahayd oo isugu jira dowladda federaalka, maamul goboleedyada, dowladaha deriska iyo beesha caalamka ayaa ku sugan magaalada xarunta Jubbada hoose.

Galinka dambe maanta ayaa la filayaa inuu furmo shirka halkaasi loo tagay ee looga hadlay habraaca doorashada 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM