Madaxweynaha Somalia oo ku wajahan dalka Sacuudiga

Image

26 Octobar, 2015(GO)-Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa ku wajahan dalka Sacuudi Arabia, isagoo kulan la qaadan doona boqolka dalkaasi Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis.

Labada hogaamiye ayaa ka wada hadlaya xoojinta xiriirka u dhaxeeya Somalia iyo dalka Sacuudiga.
Xasan Sheekh, waxaa safarkiisa ku weheliya wasiirada warfaafinta iyo maaliyadda ee Somalia, waxaana horay dalkaasi ugu sugnaa wasiirka Arrimaha dibadda SomaliaCabdisalaan Hadliye Cumar.

Maaha markii ugu horaysay ee dalkaasi uu tago Xasan Sheekh, waxaana uu ku soo beegmayaa xilli uu shalay furmay kalfadhigii 7-aad ee Barlamanka Somalia.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM