Madaxweynaha Somalia oo la kulmay Ergayga cusub Qarmada Midoobay

Image

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa kulankii ugu horeeyay la yeeshay Ergayga cusub ee dhawaan Qaramada Midoobay usoo wakiilatay Somalia danjire Mr Keating. 

Kulan oo labada mas'uul ku yeesheen magalada Muqdishu, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh danjiraha cusub uga warbixiyay xaaladda Somalia, wuxuuna tilmaamay inay hormar kasameeyeen dhinacyada amniga, siyaadda iyo hormarka waddanka. 

Ergayga cusub ee Qaramada Midoobay u joogi doona dalka Somalia Mr Keating ayaa dhankiisa madasha ka hadlay, wuxuuna ballan qaaday inay sii wadi doonaan taageerad dowladda Somalia, isagoo xusay inuu ku faraxsanyahay ka howl galidiisa Somalia. 

Keating ayaa badal Nicholas Kay oo muddo labo sano iyo bar ah kasoo shageeyay Somalia, wuxuuna kusoo beegmay xilli dalku ku jiro marxalad kala guur ah oo la isku fahmi la'yahay qaabka lagu wajihi doono doorashada 2016. 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM