Madaxweynaha Somalia oo la kulmay Ra'isel Wasaaraha Sweden

Image

Addis Ababa, 14 July 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Addis Ababa kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Sweden, Kjell Stefan Löfvén oo ka mid ah madaxda ka qeybgaleysa Shirweynaha 3aad ee Maalgelinta Barnaamijyada Horumarinta Caalamiga.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulankooda kaga wadahadley xoojinta xiriirka labada dal, iyo barnaamijyada horumarinta ee Sweden ay dooneyso inay ka taageerto Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Sweden sida ay mar walba u garab taagan tahay Soomaaliya.
Dhanka kale Madaxweynaha ayaa isla magaalada Addisa Ababa ku qaabiley Madaxa Guddiga Midowga Yurub ugu qaabilsan Iskaashiga Caalamiga iyo Horumarinta, Neven Mimica.

Madaxweynaha ayaa wafdiga Midowga Yurub uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya, dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha.

“Midowga Yurub waan uga mahadcelineynaa taageerada dhinacyada kala duwan leh ee uu Soomaaliya u fidinayo. Maadaama aan ka soo gudubney xiligii xaaladaha degdegga, waxaan haatan codsaneynaa in dalkeena laga taageero dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, dib u dhiska ciidamada , iyo in shaqooyin loo abuuro dhalinyarada,’’ ayuu yiri Madaxweynuha.

Madaxa Guddiga Midowga Yurub ugu qaabilsan Iskaashiga Caalamiga iyo Horumarinta, Neven Mimica ayaa kulanka ka sheegay in Midowga Yurub uu tixgelin siin doono baahida Soomaaliya ee dhinacyada dib u dhiska , arrimaha siyaasadda iyo amniga.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa wasiirrada Arrimaha Dibedda, Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar, Batroolka , Mudane Maxamed Mukhtaar Ibraahim iyo mas’uuliyiin kale oo labada dhinac ka tirsan.

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM