Madaxweynaha Somalia oo la kulmaya Boqorka Sacuudiga

Image
Image
Image
Image
Image

27 Octobar, 2015(GO)-Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia ayaa shalay boqasho ku tagay dalka Sacuudiga, waxaana maanta la qorshaynayaa inuu kulan la qaato Boqor salmaan-ka dalkaasi.

Labada hogaamiye ayaa ka wada hadlaya arrimo la xiriira Somalia, gaar ahaan adkaynta wadashaqaynta ka dhaxaysa Somalia iyo Sacuudiga.

Safiirka Somalia u fadhiya magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudiga, Daahir Maxamuud Geelle ayaa warbaahinta Afka dowladda ku hadasha u sheegay in labada hogaamiye la qorshaynayo inay kulmaan, kana wada hadlaan qorshayaal dhawr ah oo dalka lagu hormarinayo.

Xasan Sheekh ayaa 26, Octobar, 2015, waxa uu dalka Sacuudi ku tagay safar ay ku weheliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirada Somalia iyo Taliyaha nabad sugidda Cabdiraxmaan Tuur-yare.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM