Madaxweynaha Somalia oo la kulmey xoghayaha Qaramada Midoobey

Image

March 30, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Sharm el Sheikh ee dalka Masar kula kulmey xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki Moon.

Labada mas'uul ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin xaaladda ammaanka Soomaaliya, baahinta maamulka dowladda iyo higsiga 2016.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dowladdu qaadi doonto tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo hirgelinta himilooyinka 2016ka ee doorashadu ugu muhiimsan tahay.

Baki Ki Moon ayaa isna dhankiisa ballan qaadey in Qaramada Midoobey farsamada iyo dhaqaalaha ka taageeri doonto guddiyada udub dhexaadka u ah higsiga 2016.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobey ka codsadey in Dowladda Federaalka gacan laga siiyo sidii ay usoo daad gureyn lahayd dadka Soomaaliyeed ee ku go'doonsan gobollada dagaalladu ka soconayaan ee dalka Yemen.

Madaxweyne Xasan oo maanta dib magaalada Muqdisho ugu soo laabtey wuxuu sidoo kale muddadii uu Sharm el Sheikh ku sugnaa la kulmey qaar badan oo kamid ah madaxda dalalka Carabta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM