​Madaxweynaha Somalia oo mashruuc dhagax dhigay

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dhagax dhigay qeybtii labaad ee dhismaha lagu balaarinayo isbitaalka Sheekh Za’id ee magaalada Muqdishu.

Mashruucan uu maanta Madaxweynaha dhagax dhigay ayaa waxaa maalgelintiisa iyo hirgelintiisaba ku deeqay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

Xasan Sheekh, ayaa ku ammaanay Imaaraadka Carabata doorka iyo taageerada ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo soo nooleynta adeegyada bulshada ee dalka.

“Walaalaheena Imaaraadka Carabta waxay mar kale inoo muujiyeen sida ay uga go’an tahay inay ina garab istaagaan. Mashruucan waa mid waxtar u yeelan doona shacabka Soomaaliyeed,’’Ayuu yiri Madaxweynaha.

Munaasabadda dhagax dhigga waxaa kale oo ka soo qeybgaley Danjiraha Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mohamed Al-Othman, diblomaasiyiinta dalalka shisheeye u fadhiya waddanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Soomaaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM