Madaxweynaha Somalia oo tagay Balli-doogle [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta booqday garoonka diyaaradaha Balli Doogle, gobolka Shabeellaha hoose halkaaso saldhig u ah ciidamo Kumaandoos ah.

Xasan Sheekh waxaa safarkan ku wehelinayay taliyaasha ciidamada xoogga dalka iyo Cirka, wuxuuna soo xiray tababar muddo u socday ciidamo si gaar ah u tabo-baran.

Madaxweynaha ayaa khudbad u jeediyay ciidanka isagoo ammaanay hab dhaqankooda.

“Soomaaliya waxay u baahan tahay shaqadiina hufan, maalin walbana waxaa sii kordheysa baahida uu waddanka idin qabo...Cadowga waad ka xirfad sarreysaan, kana garowshiyo fiican tihiin dhinaca diinta, asluubta, dhaqanka iyo insaanimada, taas ayaana keentay inaad shacabka kalsooni buuxda ka kasbataan,”Ayuu yiri madaxweynaha Somalia.

Wuxuu mid mid ula hadlay ciidanka isagoo u ballanqaaday inay dowladdu ku dadaali doonto sidii ay u dabooli lahayd baahiyahooda.

Muddooyinkii u dambeeyay, waxaa dowladda Somalia loo tabo-barayay ciidamo gaar ah kuwaasoo ka qayb qaatay howlgallo ka dhan ah kooxda Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM