Madaxweynaha Somalia oo tagay Kigali [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowladda Federalka Somalia, ayaa maanta gaaray caasumadda waddanka Ruwanda ee Kigali, halkaas oo ka dhici doono shir madaxeedka 27-aad ee Midowga Africa. 

Kulankaas ayaa diiradda lagu saari doona arrimaha gobolka iyadoo la filayo inay madaxda Africa yeeshan kulan aan caadi ahayn oo diiradda lagu saarayo xasaradda ka aloosan waddanka Koonfurta Suudaan. 

Xasan Sheekh ayaa kulan gaar ah la qaatay maanta kaaliyaha,xoghaya arimaha dibada maraykanka u qaabilsan afrika Linda Thomas-Greenfield, sida uu sheegay Afhayeenka madaxweynaha Daa’uud Aweys oo la hadlay wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA. 

Daa'uud, ayaa sheegay in kulankaas looga hadlay arimo dhowra ah oo ay ka mid yihiin doorashada sanadkaan ka dhici doonta dalka,waxayna isku afgarteen in Somalia ka dhacdo doorasho xalaal ah. 

Kulamo kale ayaa la filayaa in madaxweynaha dowladda Somalia la yeesho madaxda kale ee ka qayb gali doonta shirkaasi. 

GAROWEONLINE


Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM