Madaxweynaha Somalia oo tagaya Baladweyne gobolka Hiiraan

Image

21 December, 2015(GO)-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa la qorshaynayaa maanta inuu tago magalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan, xilli shalay loo soo magacaabay gudoomiye cusub.

Ujeedka safarka Xasan sheekh ayaa la xiriirta labo arrimood oo kala ah; sidii waxgaradka iyo siyaasiyiinta Baladweyne looga dhadhicin lahaa ka qayb galka dhismaha maamulka gobollada Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan oo shirkoodu ka dhici doono magalada Jowhar iyo laga wareegista xilka loo soo magacaabay gudoomiyaha cusub ee degmadaasi Yusuf Dabageed.

Labada gobol ee kala ah; Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ayaa ku maransanaa halka lagu qabanayo shirwayanaha lagu soo dhisayo maamulkaasi, waxaana labada xarun ee kala ah Baladweyn iyo Jowhar diyaar garow ugu jireen marti galinta shirka.

Wareegto ka soo baxday dowladda Federalka ayaa lagu shaaciyay in shirka lagu qaban doono xarunta gobolka Shabeelaha dhexe, waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh doonayaa qaabkii u soo qancin lahaa bulshada ku dhaqan Baladweyne.

Waxaa kale bulshada kala soo hadlayaa qaabka uga dhaadhicin lahaa gudoomiyaha shalaya 20 December la soo magacaabay, kaasoo badalay gudoomiyaha kiiska dilka loo haysto.

Ammaanka magalada ayaa la adkeeyay, waxaan garoonka Ugaas Khaliif oo uu kasoo dagayo la dhoobay ciidamo isugu jira kuwa dowladda iyo AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 220 duqeyn cirka ah tan iyo Febraayo ay daciifisay Al-Shabaab

Ciidamada AUSSOM iyo U.S. Africa Command ayaa lagu amaanay duqeymaha istiraatiijiga ah iyo taageerada dagaallada dhulka.

  • Soomaliya

    06-11-2025

  • 06:27AM

Puntland oo diiday hirgelinta nidaamka e-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khubarada siyaasadda ayaa sheegay in arrintan ay sii muujinayso khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

  • Soomaliya

    05-11-2025

  • 07:27AM