Madaxweynaha Somalia oo weli Baladweyne ku sugan

Image

22 December, 2015(GO)-Madaxweynaha Somalia ayaa kulamo kala duwan la yeelanaya waxgaradka ku nool magalada Baladweyne isagoo kala hadlaya dhismaha maamulka gobollada Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan kaasi oo caasimad looga dhiga degmada Buulo Burte.

Waxgaradka Hiiraan ayaa ka soo horjeestay in shirka maamul u samayn lagu qabtay degmada Jowhar ee gobolka Shabeelaha dhexe, waxayna sheegeen in lagu dag dagay go'aanka xukuumadda Somalia ku iclaamisay in goobtaasi lagu qabto shirka.

Dadaal xooggan ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ugu jiraa sidii madax dhaqameedka gobolkaasi looga dhaadhicin lahaa inay qayb ka noqdaan madasha, isagoo xusay la'aantood inuusan hirgalayn maamulka labada gobol.

Madaxweynaha Somalia ayaa sidoo kale ka qayb galay munaasabad xilka kula wareegay gudoomiyaha cusub ee gobolka u soo magacaabay Yusuf Dabageed.

Dabageed ayaa sheegay inuu qayb ka qaadan doono dhismaha maamulkaasi iyo adkaynta amniga gobolka loo soo magacaabay.

Ilaa hadda majirto go'aan cad oo ka soo baxay kulamada madaxweynaha balse waxaa socda shirar kale oo bulshada qayb tahay, waxaana kulamadaasi goob joog ka ah wafdiga isaga la socda ee uu ku jiro wasiirka arrimaha gudaha Somalia Cabdiraxmaan Odowaa.

Muddo kooban ayaa wafdigan joogi doonaan magalada Baladweyne, waxaana la adkeeyay amniga iyadoo ciidamo la dhoobay goobaha muhiimka ah ee caasumadda Hiiran.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM