Madaxweynaha Somalia oo beeniyay in calanka wax laga badalayo

Image

12 Octobar, 2015(GO)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta beeniyay warar dhawaan la daabacay oo sheega in wax laga badalayo calanka Somalia gaar ahaa xidigta ku dhextaala, wuxuuna tilmaamay in warkaasi yahay kutiri-kuteen.

"Calanka Somalia waa kii la taagay 60-kii, mana jirto wax laga badalayo wararka sheegaya waxbaa laga badalayaa waa kutiri-kuteen, sidiisa ayuu ahaanayaa" Ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa sidoo kale maamullada dalka ugu baaqay in kor loo qaado calanka Somalia oo mudnaanta la siiyo isaga koodana laga dhigo midka labaad.

"Waxaan ugu baaqayaa dowladaha hoose iyo maamulada dalka ka jira inay calanka kor u qaadan oo kan koowaad isaga ka dhigaan" Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Hadalkan ayuu madaxweynuhu ka sheegay xilli uu ka qayb galayay munaasabad lagu xusayay maalinta calanka Somalia oo ku beegan maanta 12 Octobar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM