Nin Xasan Shiikh adeer u yahay oo Muqdishu lagu diley

Image

07 Octobar, 2015(GO)-Waxaa saka magalada Muqdisho xarunta Somalia gaar ahaan degmada Wadajir lagu dilay dhaqtar ay qaraabo ahaayeen Madaxweynaha Somalia oo la oran jiray Liibaan Cismaan Cilmi. Liibaan waxaa adeer u ah Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Rag hubaysan oo gaari watay ayaa  rasaas ku furay dhaqtar iyo nin sharci yaqaan ah oo la oran jiray Cabdulqaadir Maxamed Yabarow oo u shaqaynayay wasaaradda cadaaladda Somalia.

Al-shabaab ayaa sheegatay dilka dhaqtarka iyo shaciyaqaanka.

Dhinaca kale, qarax ayaa ka dhacay meel ay fariisan ku leeyihiin ciidamada dowladda Somalia ee xaafadda suuqa xoolaha ee degmada Afgooye, waxaana ku dhintay hal askari saddex rayid ahna way ku dhaawacmeen.

Ilaa hadda qaraxaasi cidna ma sheegan balse waxaa lagu tuhunsanyahay inay ka dambeeyeen ururka Al-Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM