Madaxweynaha Somaliland oo booqday Laascaanood

Image

January 21, 2015 (GO)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta booqasho aan horay loo shaacin kusoo gaarey degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wafdiga oo ciidamo aad u xoogani galbinayeen, waxaa qayb ka ahaa todoba wasiir oo kala ahaa: Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Hawlaha Guud, Wasiirka Biyaha iyo Kheyraadka, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Wasiirka Beeraha.

Siilaanyo oo muddo kooban Laascaanood ku sugnaa wuxuu la kulmay maamulka gobolka Sool iyo madaxda dhaqanka isagoo ka dhegeystey tabashooyinka ay qabaan una ballan qaadey in xukuumadiisu dadaal badan gelin doonto sidii gobolka loo horumarin lahaa.

March 16, 2014 ayey ahayd markii sidan oo kale Madaxweynaha Somaliland iyo wafdi uu hogaaminayaa  booqasho aan horay loo shaacin ku yimaadeen degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag, halkaasoo saacado kadib ay dib uga laabteen.

Waa markii labaad ee Siilaanyo soo gaaro Laascaanood tan iyo markii ciidamada Somaliland la wareegeen degmadaas bishii October sanadkii 2007.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM